WararkaWaxbarashada

Mac’hadka “SIDRA” oo Soo Bandhigay Daraasad Cilmiyeed Uu Ka Diyaariyay Abaaraha Kusoo Noqnoqda Soomaaliya

Mac-hadka horumarinta iyo cilmibaarista Soomaaliyeed ee SIDRA, ayaa shalay Garowe kusoo bandhigay daraaasad cilmibaaris ah oo ay ka sameeyeen sababaha marwalba soo celceliya abaaraha ku dhufta Soomaaliya.

Daraasadaan ayaa soo bandhigeeda waxaa ka qeyb galay aqoonyahano ku xeeldheer arrimaha deegaanka iyo masuuliyiinta katirsan maamulka Puntland.

Nuxurka Daraasadda

Abaaraha hadda Soomaaliya ka dhacaa way ka duwan yihiin kuwii la arki jiray marka laga eego dhererka muddadooda iyo soo noqnoqodkaba. Inkastoo Soomaalidu ogaayeen in Xaalufku abaar keeno, haddana hiddo ahaan roob-yarida ayaa loo arkayay inay keento abaarta. Hasayeeshee maanta dhibaato ballaaran oo degaan bi’in ah (xaaluf) ayaa ah tan dhab ahaan ballaarisay abaarta.

Xaalufku wuxuu ka dhashaa ku-talax-tagidda iyo diqaynta khayraadka dhulka. Labadan dhibaato oo asaasiga ah naftigooda waxaa sababa: kororka dadka, si xun u magaaleynta miyiga, daaqsinta dhul-feenashada ah, dhir-jaridda, carro-guurka, iyo isbaddalka cimillada. Dhibaatooyinkan oo dhan waxaa badanaa sababa falalka aadamiga.

Abaartu waxay maanta ku dhufataa bulsho iyo degaan ay muddo dheer soo wiiqayeen dhibaatooyinkani, oo nolosha dadka iyo xooluhu naafooday. Xattaa haddii roobab fiicani da’aan, abaartu si dhab ah uma dhammaato waayo daadadka roobku waxay sii kordhiyaan xaalufkii horay u jiray; dhulkuna awood uma laha inuu soo saaro daaqii la arki jiray.

Markaas, arrintu hadda waxay ku soo ururtay labo midkood: in la sii daawado dhibka jira oo keeni kara masiibo qaran oo aan dib loo xallin karin; ama in si dhab ah loola yimaado waxqabad lagu badbaadinayo degaanka oo isugu jira xalal muddada dhow iyo tan dheerba khuseeya.

Waxaa muuqata inaan dadka badankiisu si dhab ah u fahmin dabeecadda iyo baaxadda dhibaatada. Matalan, nabaad-guurka waxaa lala xiriiriyaa xaabaysiga oo kali ah; abaartana isbaddalka cimillada oo qur ah. Arrimahaani waxay keeni karaan marin habaabin guud oo ku saabsan xaqiiqda dhibaatada. Hay’adaha horumarinta ayaguna sidii ugu habboonayd bulshada uguma gudbiyaan farriinta iyo faa’iidada barnaamijyadooda.

Qaab habboon oo cilladhaan looga fursan karaa wuxuu yahay, in la tixgaliyo dhammaan qodobada xaalufka keena iyo sida ay uga qayb qaataan mushkiladda abaarta. Daraasaddani waxay falanqaysay lixda qodob ee soo socda:

Xulka Natiijooyinka Daraasadda.

Kororka Dadka.
Qoysaska Soomaalidu waxay kordheen ilaa 220% 30-kii sano ee tagay. Dhanka kale, qoysaska maanta magaalooyinka ku nool, 91% ayaa miyiga ka yimi 30-kii sano ee tagay. Ka soo guuridda miyigu waxay calaamad u tahay burburka noloshii miyiga, haddana culayskii lagu hayay khayraadka miyigu wuu sii kordhay.

Magaalaynta Miyiga.
Si ay isula helaan daaq iyo biyo, 60-kii sano ee la soo dhaafay raacatadu waxay si marxaladaysan u isticmaalayeen farsamooyin magaalayn ah oo kala duwan. Matalan, baraago min 1960aadkii; baabuur ku guurid min 1970aadkii; dhawaan haamo waaweyn oo reerku biyaha ku kaydsado. Markii xaalufku kordhaba, waxaa kordhayey reer guuraannimada iyo kabarooyinka awrka saaran ee mukharribka ah.

Nabaadguurka.

Soddonkii sano ee tagay, qiyaasta 80% dhirtii dooxooyinka iyo 30% dhirtii
qararku way baaba’een; cawskii, mirihii iyo malabkii oo dhan; iyo duur joogta iyo shimbiraha badankoodii way ku daayeen. Heerka nabaadguurku hadda wuxuu marayaa 4% sannadkii. Dhirta hadda nooli waa kuwo sii dhimanaya oo aan si fiican u baxayn. Waxaa muuqata inay dabar go’i karaan 5-ta ilaa 10-ka sano ee soo socda, ayagoo ay baddalayaan boholo, gawaanno, iyo geedo duullaan ah.

Carraguurka.
Nus kilomitir kasta oo dhulka ka mid ah, waxaa lagu arki karaa bohol, jeexdin, dhudhub, gawaan, bataax, ama bacaad. Calaamadahaan oo dhammi waxay tusayaan in xaalufku isu baddalayo lama-degaannimo dhuleed.

Isbaddalka cimallada.
Isbaddalka cimillada oo hadda jira waxaa calaamad u noqon kara: jiitanka abaaraha; kafafka durdurrada iyo dharabkii dayrta; iyo lumitaanka shimbiraha. Roob yarida waxaa buunbuuninaya xaalufka, waayo qaddar roob ah oo waagii hore wax tari jiray ayaan maanta waxba tarayn dhulka oo gawaan noqday awgeed.

Siyaasado degaan oo dhantaalan
Siyaasadaha degaanka ee la soo bandhigay si fiican uma qeexayaan baaxadda dhibaatada jirta iyo xalalkeeda. Waxay ismoogeysiiyeen xaqiiqda ah, inaan degaanka la badbaadin karayn haddii aan maaro loo helin reer guuraannimada saaran baabuurka iyo barkadda ee mukharibka ah iyo guud ahaan socodka baabuurta. Dhanka kale, ma muuqato in diyaar loo yahay in lagu dhaqaaqo fal aan mucaawino dibadeed ka danbayn.

Xulka Talooyinka
In dadweynaha la abaabulo oo la dareensiiyo khatarta degaan bi’intu ku hayso jiritaanka khayraadka dalka si dadku u abuuraan dhaqdhaqaaq bulsho oo degaan u qareen ah, dawladdana ku cadaadiyaan waxqabad dhab ah oo degaanka lagu badbaadinayo.

In is baddal kasta laga hubiyo in aanu degaanka wax u dhimayn, lana abuuro boolis xoog leh oo ilaaliya sharciyada degaanka.
In la qaado falal degdeg ah oo lagu maaraynayo reer-guuraannimada baabuurka saaran iyo magaaleynta miyiga.
In la horumariyo beerista calafka.
In biya qabatinnada cusub laga ilaaliyo abuurid lamadegaan.
In la joojiyo dhul-boobka reer magaalku wadaan, iyadoo lagu dhiirri galinayo horumarinta dooxooyinka nabaadguuray.
In si degdeg ah loo hirgaliyo maaraynta qashinka, iyo in la joojiyo soo dejinta alaabta tayada xun ee qashimaysa degaanka.
In la dejiyo reer guuraaga iyadoo lagu bilaabayo qoysas tusaale ah; iyo in raacatada qaraabadooda reer magaalka ah lagu boorriyo inay taageeraan dejinta raacatada.
In la dhireeyo dhul-hosaadka si culayska looga qaado dhulka Hawd.

Maandeeq FM

Related Articles

Close