WararkaWaxbarashada

110 Arday oo Ka Qalinjabiyay Kulliyadda Macallimiinta ee Magaalada Garoowe

Kulliyadda macalimiinta Garoowe ee GTEC ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka dhacday munaasabad ay ku qalinjabiyeen 110 Arday oo loo tababaray iney ku shaqeystaan xirfadda Macallinimo.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare, maamulka kulliyadda GTEC, macalimiinta kulliyadda, Arday, waalidiin, ganacsato, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.

Gudoomiyaha jaamacadaha Puntland ahna maamulaha kulliyadda GTEC Cabdiraxmaan Sheekhdoon ayaa madasha ugu horrayn ka sheegay in ardaydaani ay dhammaysteen barashada Kulliyada macalinimada oo 2 sano ah ayna diyaar u yihiin iney ka hawlgalaan dugsiyada hoose iyo dhexe ee Puntland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr Maxamed Cali Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa u hambalyeeyey ardayda qalin jebisey wuxuuna ku booriyey in wixii ay barteen ay dadka iyo dalka uga faa’iideeyaan.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo shahaadooyin guddoonsiiyey macalimiinta qalin jebiyey ayaa sheegay in kulliyadda GTEC ay tahay isha kaliya ee bahda macalimiinta u soo saarta Soomaaliya dowladda Puntlandna ay ka go’antahay sidii loo tayeyn lahaa.

Si kastaba, Macallimiintan Cusub ayaa kaalin wanaagsan ka qaadan doona horumarinta waxbarashada, xilli aad loogu baahi qabo macallimiin tayo sare leh oo ka howlgala goobaha waxbarashada dalka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close