CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Hay’adda “CIA” oo Daaha Ka Rogtay Sir La Xiriirta Daweynta Cudurka Kansarka oo Ay Qarinaysay Muddo 35sano ah

Dadka aaminsan aragtida “Conspiracy theory” ee mu’aamaradda ayaa CIA ku eedeeyay qarinta daraasad sameyn badan ku yeelan karta kacdoon dhanka daweynta cudurka Kansarka ah oo la qarinayay muddo 30sano.

CIA ayaa faafisay dhawaan daraasad la sameeyay sanadkii 1983, taas oo darajada sirtu ay gaarsiisneyd Top secret, darasaddan ayaa lagu sheegay in jirka aadnaha uu awood u leeyahay inuu iskii bushiga iskaga saaro oo uu isku daweeyo, haddii qofka xanuusanayaa barto tabaha qaar iyo xakameynta shaqooyinka biology-ga ah ee jirkiisa ka socda.

Document ay soo bandhigtay jariidada “Daily Mail”, ayaa sheegaya in daawadan ay ku dhisan tahay xakameynta bukaanka ee mowjahadaha maskaxda isagoo sameynaya fikirka ku aaddan go’aan iyo yididiilo uu naftiisa siinayo oo dhanka bogsashada la xiriirta. Waxaana daraasaddan laga gaaray natiijo aad u heersarreysa oo aadan rumeysan karin.

Natiijooyinka laga gaaray cilmibaaristan ayaa waxaa ka mid ah; in bukaanku uu gaari karo natiijooyin physiologic ah oo ay ka mid tahay in xanuunku suulayo, dhaawacyaduna ay soo kabasho degdeg ah sameyanayaan.

Document-gan la helay ayaa waxa ku jira khariidado maskaxda aadanaha ah oo tilmaamaya sida goobaha qaar ee dhanka maskaxda ah ay xiriir ula leeyihiin qeybaha kale ee jirka ee bogsashada u baahan.

Si kastaba, waxaa daraasaddan nuxurkeedu yahay in jirka aadanahu uu awood u leeyahay inuu is daweeyo waa marka la adeegsado fasamayooyinka “Transcendental Meditation” oo Yoga la xiriirta iyo “biofeedback” oo aad ku xakameyn karta jirka, sida; garaaca wadanaha oo kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close