WararkaWaxbarashada

Ku Dhawaad 5 Kun oo Arday oo Waxbarasho Lacag la’aan ah Heli Doona Gobolka Gedo

Iskuullo waxbarasho oo bilaash ah ayaa laga hirgeliyay xeryaha ay degan yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha ee ku sugan gobolka Gedo.

Xiish Mahad-yare oo ah madaxa waxbarashada hay’adda Hirda ayaa sheegay in waxbarashadaan lacag la’aanta ah ay ka faa’ideysan doonaan caruurta gaartay da’da waxbarasho ee ku nool xerooyinka barakacyaasha ee gobolka Gedo.

Deegaannada Baardheere, Luuq iyo Baladxaawo dadka ku nool ayaa iskuulladaan lacag la’aanta ah ka faa’ideysan doono waxayna gaarayaan ardayda dhiganeyso ku dhawaad 5 kun oo arday.

“Barnaamijkaan waxaa loogu talogalay barakacyaasha maadaama meeshii ay waxbaran jireen oo hore ay waxbarashadii ka joogsatay intii ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabo badan oo kale waxaan ugu talogalnay in ilmaha ay meesha ka faa’idestaan, barnaamijkaan waxaa loogu talo galay illaa iyo 5 kun oo caruur ah oo gobolka Gedo oo dhan ah, waxbarashadaan waxaan ugu talogalnay dadka ay ka dhamaadeen xoolihii kana soo barakacay abaarihii”.

Dadka barakacyaasha ah ee ku nool xeryaha ku yaallo gobolka Gedo ayaa horay u haysan adeegyada asaasiga ah oo ay waxbarashadu ka mid tahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close