arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Magaalada Beijing oo Laga Mamnuucay Baaruudda Dabaaldagga Ciidaha

Beijing ayaa Jimcihii shalay soo saartay go’aan lagu mamnuucayo Baaruudda dabaaldagyada ee bululeer-ka  xilliyada xafladaha ah ciidda, hawo wasakhow iyo khasaare kale oo ay sababaan awgeed.

Wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegtay in “Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka Beijing ay Jimcihii shalay meel mariyeen go’aan ay ku mamnuucayaan baaruudda ayna ka eegeen dhanka dhibaatooyinka ay leeyihiin.”

Sida xeerka mamnuucidda baaruudda uu dhigayo, goobaha aan laga ogoleyn in bululeerka laga shido waxaa soo galay dariiqa wareegga 5aad loo yaqaanno iyo goobo kale oo si gaar ah loo xadiday oo aan laga ogoleyn in baaruudda dabaaldagyada laga shido.

Mamnuuciddan cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo dhawaatay xafladda sanadka dayaxa oo ah ciidda ugu muhiimsan ee dalka Shiinaha looga dabaaldago.

Si kastaba, magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ayaa si aad ah dadku ugu dabaaldagaan baaruudda xilliga ciidda ee ay ugu weyn tahay tan sanadka dayaxeed oo si weyn dalkaa looga dabaaldago.

Maandeeq FM

Related Articles

Close