WararkaWaxbarashada

Yaa Caqli Badan .. Eeyda & Bisadaha (Daraasad)

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Vanderbilt ee dalka Mareykanka ayaa sameeyay cilmibaaris ku saabsan is barbardhigga cidda caqliga badan labada xaywaan ee Eeyga iyo Bisadda.

Natiijadda daraasaddan ayaa lagu faafiyay joornaalka”Frontiers in Neuroanatomy” ee cilmiga ka faallooda, culumadan ayaa baaritaan ku sameeyay xuubka maskaxda ee ka mas’uulka ah fikirka iyo qorsheynta ee xaywaanka, waxayna ogaadeen in Eeygu leeyahay unugyo dareen oo kala bar ka badan unugyada dareenka bisadaha.

Culumada sayniska ayaa muddo dheer daraasado kala duwan ku sameeyay isbarbardhigga xaywaanka, waxay heleen 530 milyan oo unug uu yahay tirada unugyada dareenka ee Eeyga, halka 250 milyan oo unugyada uu yahay dhanka bisadaha.

Culumada cilmibaaristan sameeyay ayaa yiri “Khibradeheennii hore,  tirada unugyada xuubka maskaxda ayaa ah tan xadidda awoodda xaywaanka ee fakarka. Haddii aadanaha la barbardhigana waa 16 bilyan oo unugyada dareenka fakarka la xiriira oo aadanuhu leeyahay.”

Caalimadda dhanka neerfaha ku takhasustay Susanna Hirkulano-Hozl ayaa tiri; “Natiijada daraasaddani waxay muujineysaa in eygu awood u leeyahay inuu xalliyo mushkilado badan.”, waxay intaa sii raaciyay “arrintani kama dhigna in bisadaha ay doqomo yihiin ee laakiin waa xayawaan ay adag tahay in daraasad lagu sameeyo.”

Lama filaanka daraasaddan ayaa ah culumadu iney ogaadeen in dabacaddeeyuhu(xoorku) leeyahay tirada unugyada Eeyga oo kale, in kasta oo ay jirto inuu ka maskax yaryahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close