UncategorizedWararkaWaxbarashada

Daraasad Daaha ka rogtay “Lama Filaan” Ku Aaddan Tirada Muslimiinta Ku Nool Yurub

Daraasad uu sameeyay markaska cilmibaarista “Pew” ee dalka Mareykan ayaa sheegaysa in tirada Mulimiinta ee Yurub ay sii kordhaysa xitaa haddii la joojiyo dadka muhaajiriinta ah ee dalalkaa u safra.

Markaskan ayaa baaritaanno ku sameeyay xaaladda kobaca diimaha. daraasadi ayaa saameysay 28-dowladood oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay ku jiraan Norway iyo Switzerland.

Daraasaddan ayaa lagu caddeeyay in tirada muslimiinta ee Yurub  gaaratay 2010 illaa 2016 ay ahayd 53% tirada guud ee dalalkaa ku nool.

Markaskan ayaa filaya marka dadka muhaajiriinta ah la joojiyo uu saamiga kobaca ay ka kacayso 4.9%  sanadka 2016 iyadoo gaareysa 7.4% marka la gaaro 2050.

Haddii aan la joojin oo muhaajiriintu sida ay hadda ku socdaan ugu qulqulaan Yurub ay gaari doonaan 14% marka la gaaro sanadka 2050, waa haddii ay wax u socdaan sida la diiwaangeliyay sanadadii 2014 iyo 2016.

Muslimiintu iyagaa ugu da’yar heer gaarsiisan 13sano” celcelis ahaan, iyagaana ugu dhalmo badan iyadoo qoyskastaaba uu dhalo hal-canug wax ka badan.

Waxaa xusid mudan, tirada Muslimiinta ku nool Faransiiska in ay gaartay 5.7 milyan oo qof waana in u dhiganta 8.8% dadka dalkaasi, sida uu sheegayo markaska “Pew”. Halka dadka Yurub marka lagu daro Switzerland iyo Norway ay gaarayaan 520.8 milyan oo qof sanadkii hore ee 2016.

Maandeeq FM

Related Articles

Close