TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Dunida oo Maanta u Dabaaldageysa 25 Guuradii Kasoo Wareegtay Markii Ugu Horreysay ee Farriin SMS ah La Isku Diro

Maanta oo kale 25sano ka hor ayay ahayd markii ugu horreysay ee la isku diro farriim SMS ah, xilli hadda la marayo wakhti kacaanka teknoolajiyadda ah oo la haysto bedello kale oo SMS looga maarmi karo.

Si ka duwan sida ay dadbadani aaminsan yihiin, farriintii ugu horreysay lagama darin mobile ee computer ayaa laga diray, laakiin waxay ku dhacday mobile oo laga akhristay.

SMS waxaa laga soo gaabiyay “Short massage Service” oo ah Adeegga farrimaha gaaban. Sida ay sheegtay Sky News  maalintii oo kaliyada dalka UK waxaa la wadaagaa farriimo tiradoodu ay gaarayso 96 bilyan oo SMS ah.

Engineer “Neil Papworth” oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee farriin SMS ah dira, sanadkii 1993, xilligaas wixii ka dambeeyay ayaa farriimuhu bilowdeen iney ku faafaan dunida inteeda kale.

Si kasta, SMS ayaa bilowgiisii hore waxa uu si gaabis ah uga hirgelay gudaha dalka Mareykanka, labo sababood awgeed, tan koowaad; lacago farabadan oo ay shirkadaha isgaarsiinu kusoo dallacayeen dadka.  tan labaad;  iney ay suurtogal ahayd iney dadku adeegsadaan computer-kooda si ay u wada xiriiraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close