arrimaha bulshadaTiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Facebook oo Bilowday “Xeelado Cusub” Si Loo Kala Saaro Baraha Dhabta ah iyo Kuwa Kale ee Sida Khaldan loo Adeegsanayo

Shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook ayaa wax ka bedeshay xeeladihii ay kula dagaalameysay baraha been abuurka ah ee ee dadka qaar u furan, si loo xaqiijiyo tirada dadka saxda ah ee barta adeegsada.

Sida lagu soo qoray webisteka WIRED, Facebook waxa uu ka bilaabay gudaha dalka Mareykanka in dadka adeegsada uu ka codsado iney sawirkooda soo geliyaan barta si ay u xaqiijiyaan inaaney  robot ahayn.

Arrintan ayaa dhacaysa inta aadan Facebook gelin ka hor, farriin ayaad arkaysaa ku dhaheysa “Waxaan kaa codsaneynaa inaad sawirkaaga oo si cad loo fahmi karo soo geliso barta..kadib anaga ayaa masaxayna” si Facebook uu kuugu furmo.

Tallaabadan cusub ayaa imaaneysa si loo yareeyo baraha aan nacfiga lahayn, waana sida afhayeen u hadlay Facebook uu u sheegay WIRED.

Waxa uu intaa kusii daray “In qofka sawirkiisa laga xaqiijiyo waxay ka mid noqoneysaa waddooyinka aan kula dagaalami doonno Facebook wax lagu khiyaamayo.”

Waxaa xusid mudan, Facebook ayaa dadka ka hubiya number-ka taleefoonka oo uu qofku gelinayo barta, halkaa oo ay farriin ugu soo dhacayso, laakiin hadda waxa ka dambeeya waxaa la adeegsanayaa waddooyin cusub oo baraha lagu hubiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close