WararkaWaxbarashada

Isbedelka Urta Afka oo Calaamad U Noqon Karta Cudur Dilaa ah!

Culumo saynisyahanno ah ayaa waxay sameeyeen dhowr tijaabo oo ku aaddan dadka afku uro, waxayna ogaadeen in arrintu ay kasii durugsan tahay cudur caloosha ah oo ay dhici karto in qofkaasi uu hayo kansarka hunguriga.

Culumo Mareykanka oo ka tirsan markaska “Langone Medical Center” ee caafimaadka, oo daraasad ku sameeyeen data ay ka uruuriyeen 1000 bukaan oo bakteeriyo xun ay jirkooda ku jirtay sida; (Tannerella forsythia ama Porphyromonas gingivalis).

Sida ay culumadani sheegayaan raashin xumada ayaa kaalin weyn ka ciyaartay in qofka uu kansal ku dhaco. Khubaradan ayaa ku talinayaan in qofku  dhakhtar aaddo, marka uu isku aragko in urta afkiisu isbedeshay taas oo sii jireysa xitaa marka afka la nadiifiyo.

Waxaa jira bukaan tiro badan oo aan dareemayn calaaamadaha, arrintaas oo keenaysa in cudurku uu sii horumaro oo uu gaaro meel aan dawo lahayn oo qofku uu u geeriyoon karo.

Sidaas oo kale culumadani waxay leeyihiin in acid ay caloosha ku badato waxay keeni karta in bushiga calooshu sii faafo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close