WararkaWaxbarashada

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Naafada Adduunka oo Muqdisho Lagu Qabtay

December 3 oo ku beegan maanta oo kale, waa Maalinta Caalamiga ee Naafada Aduunka,  munaasabad lagu xusayey oo maanta ayaa ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Haweenka,Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Warfaafinta iyo Dastuurka, waxaana loogu talogalay in lagu dhiirogaliyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ugu horeyn munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in munaasabadaan ay leedahay ahmiyad gaar ah islamarkaana loogu talo galay dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa munaasabdda ka sheegay in dadka Naafada ah ay mudan yihiin in la dhiirigeliyo si kaalin wanaagsan ay ku yeeshaan horumarada Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukumadda Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac  ayaa shegay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yahiin in mar walibo ay u adeegaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf oo gaba gabada munaasabadda ka  hadashay ayaa shegtay  in  xukumadda  ay diyaar u tahay in dadka naafada ah la caaawiyo.

16-ka December  sanadkii 1962-kii  ayey aheyd markii Golaha Guud ee Qaramada Miidoobey ay u aqoonsadeen 3-dii December iney tahay Maalinta Caalamiga ee Naafada Aduunka.

Xigasho: Wakaaladda Wararka ee SONNA

Maandeeq FM

Related Articles

Close