WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Raggaa Ka Been Badan Dumarka.. Siyaasiyiintuna Iyagaa Loogu Kalsooni Yaryahay

Daraasad cusub ayaa waxaa natiijadeeda kasoo baxay in raggu ay ka been badan yihiin dumarka labalaab, halka 10-kii qof ee rag ah midkood uu aaminsan yahay in uu beenta xariif ku yahay.

Sida lagu soo daabacay jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, raggu waxay been sheegaan afartii cishaba mar, halka dumarku ay been sheegaan 8-dii cishaba mar. laakiin waa dalalka aaney beentu nolol maalmeedkooda ka mid ahayn.

Waxaa sidoo kale daraasadda lagu tilmaamay in siyaasaddu tahay mihnadda ugu kalsoonida yar, iyadoo 71% dadkii daraasadda ka qeybgalay ay aaminsanaayeen in siyaasiyiintu ay leeyihiin ajando qarsoon uguna been badan yihiin dadka.

Daraasaddan ayaa hoosta ka xariiqday in 10-kii qof Sagaal ka mid ah ay aaminsan yihiin in marka beenta loo sheegayo ay ka yaqaanaan xilliyada kale. Iyadoo la ogyahay in astaamaha beenta lagu ogaado ay ka mid tahay in qofka beenta sheegayaa aanuu eegi karin indhaha qofka uu warka u tabinayo 64%, waxaa kusoo xiga dib u dhigista jawaabta 50% oo qofku marka uu jawaab sameynayo uu u baahan yahay wakhti uu go’aan ku gaaro.

Maandeeq FM

Related Articles

Close