WararkaWaxbarashada

Daraasad: Dadka Madaxa Weyn oo Asaagood Ka Garaad Sarreeya

Sidii horey loo aaminsayaa ayaa ahayd in madaxa xajmigiisa iyo inta uu le’egyahay aaney wax xiriir ah la lahayn guulaha qofka uu dhanka nolosha ka gaaro iyo caqli badnaantiisa, laakiin daraasad dhawaan lagu faafiyay joornaalka caafimaad “World Psychiatric Association“, ayaa lagu sheegay dadka Madaxa weyn lihi iney ka guulo badan yihiin asaaggood dhanka nolosha.

Sida daraasadda lagu sheegay, cilmibaaryaasha ayaa ogaaday in natiijooyinka ay gaareen marka ay daraasad ku sameeyeen xiriirka ka dhaxeeya caqliga, genes-ka iyo caafimaadka.

Data-da daraasaddan ayaa laga soo uruuriyay bankiga Biobank  oo laga uruuriyay dad gaarya 502,655 qof oo da’doodu u dhaxayso 37-73 sano jir. waxaa dadka baaritaan lagu sameeyay awoodda jirkooda, dhiigga, kaadiga, candhuufta inta u dhaxay 2006-2010 gudaha dalka Ingiriiska.

Markii baaritaan ay ku sameeyeen xogta 100 kun oo qof, ayaa waxaa usoo baxday in dadka xilligii caruurnimadooda uu madaxoodu ka weynaa dhexdhexaadka caadiga ah ee madaxa (13.5-14 oo Inch), ay noqdeen dadka ugu sarreeyay imtixaanka dadka laga qaado ee IQ la xiriira.

“Natiijadani waxay muujineysaa jiritaanka waxyaabo badan oo ay wadaagaan madax weynida, awooda garashada iyo ka miro dhalinta waxbarashada.”, waa sida daraasaddan lagu caddeeyay.

Sida caadiga ah, genetic-ka qofka, barbaaritan uu helo, labada waalid, deegaanka uu ku noolyahay, waxaas oo dhani waxay saameyn ku yeeshaan fikirka qofka, laakiin daraasaddan ayaa inaga caawineysa in waxyaabo kale oo dheeraadka ah aan ka fahamno guulaha ay dadku gaaraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close