CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Dhiigga Geela oo Daawooyin Laga Sameynayo

Saynisyahanno Ruush ah oo ku takhasusay cilmiga biology-ga ayaa ku dhawaaqay iney dhiigga geela  ka heleen sir ku garab siineysa iney soo saaraan dawooyin cusub oo lagaga hortagi karo cudurro farabadan oo dhibaato ku haya aadanah.

Olga Kostarova oo ka tirsan mac’hadka “Belka Institute of the Russian Academy of Sciences” ayaa tiri “nanoantibodies” jirka aadnaah iyo inta badan xaywaanaadka kale lagama helo, laakiin waxaa laga helay dhiigga geela, Lama iyo libaax badeedka, faa’iidadiisuna waa iney joojiyaan faafitaanka cudurrada virus-ku keeno qaarkood, halka in la kaydiyaana ay aad u sahlan tahay si ka duwan antibodies-ka caadiga ah.

Saynisyahannadan ayaa tilmaantay in shaybaarro farabadan iyo shirkadaha daawooyinka sameeyaa ay doonayaan iney is waafajiyaan nanoantibodies iyo shaqada jirka aadanaha, haddii ay taasi dhacdo waxbadan ayay ka taraysaa daaweynta cudurada qaar.

Si kastaba, Soomaalidu horey ayay u taqaannay nacfiga Geela oo ah xoolaha  ugu badan oo ay dhaqdaan. Iyadoo ay jirto in cudurro farabadan baxnaanadooda loo qaato caanaha iyo Hilibka Geela

Maandeeq FM

Related Articles

Close