WararkaWaxbarashada

“Sharaftaa Waxwalba Ka Horreysa”.. Macallimiinta Dalka Morocco oo Ka Gadooday Xad Gudubyada Ka Dhanka ah

Boqolaal macallin oo u dhashay dalka Morocco ayaa Axaddii December 3, 2017. Dhigay dibadbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan “tacadiyada” ka dhanka ah ee ay kula kacaan ardaydu.

Sanadadii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo noqnoqday dhacdooyinka xadgudub ah oo ay ardaydu dugsiyada sare kula kacaan macallimiintooda gudaha dalka Morocco.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ahayd kadib markii magaalada al-Muxamadiya ee u dhaw magaalada Rabat caasimaadda dalkaasi,  arday uu macallimadisii ula soo baxay toorey uguna hanjabaya inuu nolosheeda dhaafin doono, arrintaas oo keentay iney dadku si weyn uga caroodaan dhacdadaasi.

Dibadbaxan ayaa ka bilowday fagaaraha “Bab al-Ahad” ee caasimadda Rabat, iyagoo dibadbaxayaashu lug kusoo maray waddooyinka Xasan ll, Mohammed V, kadib inta aan lagu soo gabagabeyn meel u dhaw dhismaha baarlamaanka dalkaasi.

Dibadbaxyaasha ayaa socodkooda halhays uga dhigay “Sharafta ayaa waxwalba ka horreysa”, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan tacadiyada ay macallimiintu kala kulmaan dhanka ardayda. Waxayna ku baaqeen in macallimiintu u midoobaan sidii ay karaamadooda iyo sharaftooda u ilaashan lahaayeen.

Si kastaba, waxaa hubaal ah in macallimiinta Soomaaliyeed dhankoodana ay la kulmaan tacadiyo farabadan  xilli aad u adagna ay soo mareen oo xitaa aaney u suurtogaleyn in dareenkooda ay ku muujiyaan mudaharaad silmi ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close