WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya iyo Dhiggiisa Dalka Qatar oo Ku Kulmay Doha

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Qatar ayaa ku kulmay magaalada Doha iyo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada ee labada waddan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Qatar Dr Maxamed Cabdulwahab Cali Al-Xamaaddi iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Waxbarashada Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo maalinnimadii shalay  ku kulmay magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka hor-u-marinta waxbarashada ee labada dal.

Wasariirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu kormeero goobaha waxbarasho ee dalka Qatar, si uu uga kororsado waayo aragnimo horumarka waxbarasho ee dalkaa ka socda.

Si kastaba, Sanduuqa horumarinta Dowladda Qatar  ayaa December 29, 2017 ku dhawaaqday taageero lacageed oo gaareysa $200 oo milyan oo dollar oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed oo waxbarashadu ka mid tahay gudaha Soomaaliya.

Xigasho: Gulf Times

Maandeeq FM

Related Articles

Close