WararkaWaxbarashada

960 Arday oo Sanadkan Ka Qalinjabisay Faracyada kala Duwan ee Jaamacadda Bariga Afrika

Munaasabad ay ku qalinjabiyeen Dufacadii 17-aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Bariga Afrika, ayaa ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, maamulka Jaamacadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay xafladda.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Aadan Sheekh Doon Cali ayaa hambalyo iyo Boggaadin u jeediyay Ardayda dhamaysatay Jaamacadda, waxaana uu u rajeeyay Mustaqbal wannaagsan.

“Waa dufcaddii 17aad oo ka baxda jaamacadda Bariga Afrika, tirada maanta inoo qalinjabisay waxa weeyaan 541 arday sanadka 2016/2017, sanadkan inta qalinjabisay marka faracyada jaamacadda oo dhana la isku daro waxay gaareysaa 960 arday, waa bachelor, dibloomooyinku kuma jiraan, wixii caddeymo iyo certificate kuma jiraan. Tiradaa aan soo sheegnay oo ay inagala joogaan 541 ayaan u qabannay munaasabada tan.”, ayuu yiri guddoomiyaha jaamacadda.

Sidoo kale, wuxuu uu mahadcelin u jeediyay Macalimiinta dadaalka ku bixiyay iyo Waalidiinta doorka wannaagsan ka qaatay guusha ay Ardaydu gaareen.

Wasiiru dawlaha Waxbarashadda Puntland Cabdi Fataax Nuur Ashir oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka hadlay Munaasabada ayaa Ardayda ku booriyay inaysan hakad galin hankooda Waxbarasho, waxaana uu kula dardaarmay in aqoonta ay barteen ay bulshadooda dib ugu celiyaan.

Qaar ka mid ah Ardayda dhamaysatay Waxbarashadda, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin guusha ay gaareen, waxayna balan qaadeen inay dalkooda u adeegayaan.

Ardayda faracyada kala duwan ee jaamacadda ka qalinjabisay sanadkan ayaa gaareysa illaa 960 arday oo 541 ardayna ay xaadir ku ahaayeen xafladdii loo qabtay ardayda xarunta dhexe ee jaamacadda ka qalinjabinaysay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close