WararkaWaxbarashada

Cilmigu Muxuu Ka Yiri “Jacaylka Aragtida Koowaad”

In badan oo dadyowga dunida ka tirsan ayaa aaminsan inuu jiro “Jacaylka aragtida Koowaad”, halka culumada cilmi nafsugu ay ku tilmaamayaan dareen soo jiidasho oo fudud oo aan gaarsiisnayn heerka jacaylka dhabta ah.

Daraasadda ay sameeyeen culumada cilmi-nafsiga ee jaamacadda Groningen ee dalka Netherland, ayaa lagu baaray jiritaanka “jacaylka aragtida koowaad”,  natiijadii cilmibaaristan kasoo baxday ayaa noqotay in dareenka dadka ee aragtida koowaad uu yahay un soo jiidasho jireed oo fudud oo ay la socoto mowjado ka helitaan oo xooggan.

Daraasaddan ay culumada cilmi-nafsiga sameeyeen ayaa waxaa ka qeybgalay 396 qof, oo intooda badani ah arday Jarmal iyo Nederland u kala dhashay, ardaydan ayaa waxa ay  sameeyeen kulmo wakhti kooban ah oo muddo 90 daqiiqo iyo 20 daqiiqo oo kale ay isku arkeen.

Markii daraasaddu dhamaatay ayaa 32 qof oo ardaydaa ka mid ah ay sheegeen in uu hayo “jacaylka aragtida koowaad” (waan ku arkay waanan ku caashaqay ah), dareenkaasna qaarkood waxay muujiyeen markii ay la kulmeen dad kala duwan. Halka dareenkaa jacaylku uu ahaa mid hal dhinac ah oo kaliya.

Culumadani natiijada ay cilmibaaristooda kasoo saareen ayaa noqotay in “Jacaylka aragtida koowaad” aanuu xiriir dhaw iyo mid dhaw toona la lahayn jacaylka dhabta ah.

Si kastaba, waxaa is weydiin leh hadaba, jacaylka dhabta ah xaguu ka bilowdaa.. Waana su’aasha aaney daraasadani ka jawaabin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close