WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Cimiladu Iyadaa Go’aamisa Farxadda aadanaha

Daraasad cusub ayaa sheegaysa in cimiladu ay si wayn u saameyso niyadda dadka iyadoo meelwalba meesha ay ka kulushahay ay dadkeedu ka farxad iyo sareedo badan yihiin goobaha kale.

Sida ay sheegtay jariidada Daily Mail Daraasaddan ayaa waxay saameysay 1.6 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka iyo Shiinaha.

Cilmibaarayaasha ayaa  qiyaasay 5 tilmaamood oo ay ka mid yihiin; dabeecadda bulshada, wacyigood, xasilloonida guurka, furfurnaashiyaha iyo madadaalada ay helaan.

Daraasadda ayaa intaa ku dartay in dadka ku koray meelo heer kulkoodu ka sarreeyo 22o darajo ay  5-ta tilmaamood ka heleen darajo ka sarreysa dadka ku nool goobaha qabowga ah.

Daraasaddan oo ay sameysay hay’adda “Nature Human Behavior” ayaa waxaa su’aalo la waydiiday dadka 59-magaalo oo dalka Shiinaha ah iyo dad ku sugaan 12 kun oo goobood oo kala duwan oo gudaha dalka Mareykanka ka tirsan.

Cimilada qabow ayaa dadka ku adkeysa iney guryahooda ka baxaan maalmo wanaagsanna ay ku qaataan banaanada, dadkaas waxay ku khasbanaadaan guryahooda iney ku sugnaadaan marka la gaaro xilliga Jiilaalka.

Cilmibaarayaasha ayaa arkay in guryaha laga baxaa ay dadka ka garab siiyo iney saaxiibtinimo dibadda ah sameystaan, waana arrin aan u suurtogaleyn dadka goobaha qabow ku nool.

Maandeeq FM

Related Articles

Close