CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Ragga oo Kaliya.. Bidaarta iyo Cirrada oo Da’yaraan Kaaga Soo Baxaa Khatartan Caafimaad Ayay Leeyihiin

Daraasad cusub oo ay sameeyeen dhakhaatiir Yurub ah ayaa laga soo saaray natiijo ah in ragga bidaarta yeesha ama cirradu kasoo baxdo 40 jirkooda ka hor ay halis ugu jiraan cudurrada wadnuhu iney ku dhacaan.

Dhakhaatiirtan oo warbixinta cilmibaaritstooda ka jeediyay shirka Calcutta ee cudurrada wadanaha kii ugu dambeeyay ka dhacay dalka India ayaa yiri: “Daraasadda aan sameynay inta aan ku gudo jirnay waxaan baarnay dhiigga dadka mutadawiciinta ah ee daraasadda ka qeybgalay iyo xaaladda jirkooda 790 qof oo cudurrada wadnaha qaba iyo 1270 qof oo kale oo caafimaadkoodu wanaagsan yahay. Waxaan si gaar ah ugu baraarugnay dadkaa timahooda ciradooda iyo bidaartooda, waxaan weydiinnay su’aalo ku addan xilliga ay cirrada isku arkeen ama bidaartu kasoo baxday.”

Baaritaannadii kadib waxaa soo baxday in 27% dadka cudurrada wadnaha qabaa in bidaartu kasoo baxday xilli ka horreysa 40sano jirkooda, halka 30% dadka cudurada wadnaha qabaa ay cirro kasoo baxday ka hor da’da 40 jirka.

Kamal Sharma oo ka mid ahaa dadkii daraasaddan hoggaaminayay ayaa yiri: “Waxaan aaminsan nahay in xiriirka ka dhaxeeya cudurrada wadnaha, bidaarta iyo cirradu ay xiriirka la leeyihiin gabowga degdegga ah, taas oo keenaysa mushkilado Dhaka wadnaha ah. Sidaa darteed waxaan ku talineynaa qof kasta oo bidaar ama cirro ay da’yaraan uga soo baxaan iney joogteeyeen ilaalinta xaaladdooda caafimaad, gaar ahaan xaaladda wadnahooda.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close