arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar Soomaaliyeed oo Dooneysa Iney Naqshadeynta Dharka Heer Caalami Ka Gaarto

Gabdhaha naqshadeeya dharka dumarka waa kuwo ku yar Soomaaliya waxaana suuragal ah in gobollo badan oo dalka kamid ah aanan laga helaynin gabdho xirfaddan yaqaanna.

Inta badan gabdhaha Soomaaliyeed waxaa ay ku labistaan dhar lagu soo naqshadeeyay dalka dibaddiisa oo Soomaaliya lagu iibiyo, taasoo inta badan keeneysa in qaab labiskooda uu ahaado mid mararka qaar aaney iyaga naftarkoodu ka helin.

Samiira Maxamed Yusuf waa ay ka duwantahay gabdhahaa aan kasoo hadalnay oo waa gabar in muddo ah naqshadda dharkeeda sameysata balse hadda waxa ay u gudubtay in gabdhaha kale ay uga faa’ideyso hibadeeda.

Waxaa ay hadda bilowday in ay hiwaayadeeda iyo hal-abuurkeeda u badasho ganacsi waxaana ay ku bilowday in gabdhah ay iyada isgaranayaan jeclaadeen hab-labiskeeda kadibna ay bilowday in ay u naqshadeyso gabdhah kale.

“Maadaamaa markii hore aan aniga jeclaa in aan sameeyo ama shaqsi ahaanteyda aan u sameysto dhar aniga ii gaar ah ama gabdhaha kale aanay ila xirneyn oo weliba aniga maskaxdeyda kasoo maaxday ayaa hadana waxaan jecleystay in aan gabdhaha qaar ee walaalahey ah ee jecel dharka tayada leh in aan hal-abuurkeyga ugu faaideeyo” ayey tiri Samiira Maxamed oo la hadashay Goobjoog TV oo ay bahwaad yihiin Maandeeq FM.

Samiira oo innoo sharxeysa qaabka ay u naqshadeyso dharka iyo waddooyinka ay u marto ayaa tiri “Naqshadeynteyda waxaa asal u aha ama aan ku base-gareeyaa asturnaanta iyo dhar gabdhaha Soomaaliyeed asturaya. Waxaan sameeyaa xijaabyo iyo dhar isqaadanaya oo qofka asturaya qurxinayana”

Hiigsiga Samiira waa mid fog waxaana ay rajeyneysaa in ay heersare ka gaarto naqshadeynta dharka oo ah xirfad ay xiiso badan u hayso.

Caqabadaha ugu weyn ee Samiira soo wajahay ayaa waxaa  waxaa ka mid ah in aysan cid kale oo ku taageerta hal-abuurkeeda aaney haysan,  waana mushkiladaha ugu badan ee soo wajaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee hal-abuurka ganacsi leh.

Waxaa kale oo caqabad ku ah qaab suuqgeynta dharkeeda. Dharka iyo naqshadaha ay sameyso waxey kusoo bandhigtaa oo kaliya baraha bulshada gaar ahaan bog gaar ah oo ay Facebook ku leedahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close