TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

“Meeraha Geerida” oo 325 sanadka Xidigaha ah U Jira Dhulka

Hay’adda cirbixiyeennada Mareykanka ee “NASA”, ayaa sheegtay iney heleen meere dahsoon oo dhulka ka fog 325sano iftiin, waxayna meerahan cusub u bixiyeen “Meeraha geerida”.

Sida ay sheegayso jariidada Daily Express ee kasoo baxda dalka Ingiriiska Markasta cilmibaartista safarrada hawada sare ee Goddard Space Flight Center ee hoos taga wakaaladda NASA, ayaa adeegsaday telescope-yada kala ah Hubble iyo Spitzer si ay u baaraan meerahan wata magaca (Wasp-18b).

Magaca “meeraha geerida” waxay ugu bixiyeen daahsoonaanta dushiisa sare ka muuqata iyo inaan waxbiyo ah gudihiisa laga heleyn. Baaritaannadii ay ku sameeyeen data-dii ay ka uruuriyeen meeraha ayay ku ogaadeen arrimo badan oo aaney horey ugu arki jirin meerayaashii kale ee daraasadaha noocan oo kale ah lagu sameeyay.

 Dr. Madosadhan oo ka mid ahaa dadkii daraasaddan soo qabanqaabiyay ayaa yiri; “Waxyaabaha naadirka ah ee aan meerahan ku aragnay waxay albaabada u fureysaa fahamkeenna cusub ee howlaha physics-ka ah ee ka socda jawiga sare ee meerayaasha ku xeeran.”

Waxaa xusid, mudada Sanad-iftiin ee xidiguhu ay u dhiganto masaafo ku dhaw 10 kun oo bilyan oo Kiiloomitir.

Maandeeq FM

Related Articles

Close