TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Obama oo Kaga Adkaaday Trump Dhanka Twitter-ka Ugu Shacbiyadda Badan 2017

Saddex Tweets oo uu sameeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Obama ayaa kaalmo isku dhaw ka galay tweets-ka sanadka ugu shacbiyadda badan ee dhanka barta bulshada ee twitter sanadka 2017.

Lama filaanka ayaa noqotay kadib markii liiska 10 ka sare ee tweets-ka ugu shacbiyadda badan laga waayay madaxweyne Trump oo is bidayay inuu hoggaamiyayaasha kale kaga karti badan yahay dhankaas.

Natiijada kasoo baxday falanqeynta datada sandlaha ah ee “Twitter” uu kasoo saaro Tweets-ka ugu shacabiyadda badan,  Trump ayaa noqday qofka ugu Tweets-ka badan hoggaamiyayaasha caalamka, sidaas oo ay tahay kama aanuu soo dhex muuqan liiska 10-ka Tweets ee ugu shacbiyadda badan.

Tweets uu sameeyay Obama oo uu kaga hadlay cunsuriyadda ka jirta magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia oo uu bishii August  soo dhigay ayaa gashay kaalinta 2aad Tweets-ka ugu shacbiyadda badanaa sanadka 2017, waxaa Retweet gareeyay illaa 1.7 Milyan oo jeer, sida ay sheegayso wakaaladda Bloomberg.

Tweets-kaa Obama waxa uu kasoo xigtay weedh uu yiri hogaamiyihii hore ee Koonfur Afrika ee Nelson Mandela, taas oo ahayd: “Qofna kuma dhasho karaahiyada dadka kale uu u qabo kuna fogeeyo midabka jirkooda, halka ay kasoo jeedaan iyo diintooda.”

Tweets-kii uu ku sagootinayay shacabka Mareykanka ee bishii January ayaa iyaduna gashay kaalinta 6aad, waxaa sidoo kale kaalinta 8aad galay tweet uu sameeyay maalintii Trump loo caleemo saaray aqalka cad ee Mareykanka oo uu yiri: “Sharafta ugu weyn ee aan noloshayda helay waa inaan idiin shaqeeyay. Waxaad iga dhigteen hoggaamiye wanaagsan iyo nin wanaagsan.”

Si kastaba, Trump ayaa arrintani dhibjab dhanka baraha bulshada ah ku noqoneysaa maadaama uu mar kasta ku faano awoodiisa dhanka qoraallada uu barta twitterka soo dhigo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close