CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cilmibaayaal Ogaaday Astaamaha Lagu Garto Qofka Arbiciinka Ku Jira ee Ajashiisu Soo Dhawaatay

Saynisyahanno Ingiriiska ayaa ogaaday in hoos u dhaca cadaadiska dhiigga dadka da’da ah ay calaamad u tahay in qofka geeridiisii ay soo dhawaatay.

Daraasad lagu faafiyay joornaalka “JAMA Internal Medicined” oo ay fuliyeen culumo ka tirsan jaamacadda “Exeter” ee dalka Ingiriiska, ayaa baaritaanno ku sameeyay datada caafimaad ee laga uruuriyay 46 kun oo muwaadin Ingiriis ah oo geeriyooday iyadoo da’doodu tahay 60 jirka iyo in ka weyn, dadkan ayaa waxaa hayay cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga iyo kuwa neerfaha la xiriira, sidaas oo kale daraasaddan waxaa ka qeybgalay dad caafimaadkoodu wanaagsanaa.

Culumada ayaa arkay in dadka si isku mid ah ay u dareemayeen hoos u dhac “Blood Pressure” ah oo si tartiib-tartiib ah muddo 14sano oo noloshooda ka tirsan ay u waajahayeen, si gaar ahana labada sanno ee ugu dambeysa ee noloshooda.

Khubaradan ayaa carrabka ku adkeeyay in natiijada ay gaareen ay ka garabsiis doonto iney dawo u helaan dadka waayeelka ah  si loola dagaallamo hoos u dhaca cadaadiska dhiigga ee “Blood Pressure“.

Maandeeq FM

Related Articles

Close