WararkaWaxbarashada

Dumarka 4-Bilood Ayay Ku Qaadataa Iney Xushaan Labiskooda Shaqada!

Daraasad cusub ayaa daaha ka rogtay in dumarka ay dhexdhexaad ahaan ku qaataan 4 bilood ka fakarka Dhaka ay ku labisanayaan xilliga shaqo aadista.

Daraasaddan ayaa tilmaantay in maalin shaqo ay dumarku ka fakarka dharka ay ku qaadato 14-daqiiqo, waana muddo u dhiganta Labo maalmood iyo bar sanadkii. Haddii markaa mudada ugu badan oo ay qofka haweenka ah shaqeyn kartaa yahay 47-sano, taas waxay ka dhigan tahay iney wakhti ku qaadaneyso 119 maalmood agagaarka boorsada labiska, taas oo u dhiganta muddo 4 bilood ah.

Saddex meelood dumarku waxay dareemaan walwal marka ay xulanayaan dharka labiska ee shaqada, 76% dumarka si joogta ah ayay u dareemaan in walwalka uu ku hayo labiska xilliga shaqo aadista..

Kalabar in ka yar dumarkii cilmibaaristan ka qeybgalay ayaa tilmaamay inaaney jirin sharci ay u raacaan dhar xirashada oo labiskooda ay ku xadidaan, taas oo arrinta labiska kusii adkeynaysa.

David Clift oo ah maamule Human resources-ka ee daraasaddan ayaa yiri “Daraasaddan waxay tilmaameysaa inaaney jirin qaanuun labiska ee goobta shaqada, taasina waxay keenaysaa walwal badan oo dhanka shaqaalaha ah oo in badan ka fakaraya dharka ay ku labisan lahaayeen,iyadoo arrinta walwalka keenaysaa ay tahay waxa ay raggu ka sheegi doono labiskooda.”

Dhanka ragga 88% ayaa sheegay inaaney wax walwal ah ka qabin labiskooda waxay ishoodu qabatana ay soo xirtaan, iyadoo sida daraasaddu ay sheegayso wax 10 daqiiqo ka yar ay ku qaadato iney raggu ku xushaan labiskooda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close