arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Faahfaahin Sheeko Murugo Badan “Hooyo Diidday in Maydkeeda La Aaso”, Ubadkeeda oo ay U Baqeyso Darteed

Sheekadan ayaa ka dhacday xaalafadda al-Dabaab ee dagmada Toson ee Alexandria ee gudaha dalka Masar,  qofkii ugu horreeyay ee maqla ayaa ahaa Sarkaal madaxda ka ah qeybta booliska ee xaafladda al-Muntazah, waxaana sarkaalkaa lama filaan ku noqotay in wiil dhalinyaro ah oo 16 jir ah uu ka codsaday inuu la kulmo si uu ugu sheego arrin muhiim ah, waa qaabilay, waxaanuu mooday inuu kala hadli doono arrin iska caadi ah oo ka mid ah sheekooyinka ay maalin walba booliska la kulmaan ee iska caadiga ah.

Sida ay qortay “Alarabiya.net“, wiilkan dhalinyarada ah ayaa si kalsooni leh ula fariistay sarkaalka, waxaanuu u sheegay hadal lama filaan ku noqday; hadalka ayaa ahaa in wiilka dhalinyarada uu u sheegay in isaga iyo walaashii ay doonayaan iney booliska gaarsiiyaan in hooyadood ay dhimatay muddo 3sano ka hor ah, ayna fulinayeen dardaraankeeda in meydkeeda khaanad la geliyo marka ay dhimato kadib, iyaguna ay dardaarankii fuliyeen.

Sarkaalkii waxaa qabsaday shoog, laakiin wiilkii dhalinyarada ahaa markale ayuu sheekadii oo sideedii ah ugu soo celiyay sarkaalkii isagoo markan u dhaaranaya.

Isla markiiba waxaa la diray ciidan soo baarra guriga qoyskan oo ku yaalla dabaqa 30aad ee guryaha saraakiisha ee deegaanka Dabaab, booliskii waxay heleen maydka hooyada oo lafo kaliya kasoo hareen, baradho farabadanna ku daboolan, iyadoo aan wax ur ah lahayn.

Markii sheekadan la gaarsiiyay sarkaalka amniga Alexandria ugu sarreeya ee la yiraahdo Mustafa Nimri ; ayaa isla markiiba waxa uu guddi u saaray arrinta geerida hooyada soo baarta, faahfaahinta ay guddigaasi heleen ayaa ah mid dadkii ka yaabisay!.

Wiilka dhalinyarada ah oo la yiraahdo Mustafa iyo walaashii oo ay isku hooyo yihiin oo la yiraahdo Maryan ayaa sheekeynaya,  hooyadoo waxay ahayd dhakhtarad da’deedu tahay 47sano jir, laba nin oo kala duwan ayay guursatay kan koowaad waxay u dhashay Maryan oo hadda 21 jir ah, halka kan labaadna ay u dhashay Axmed oo da’diisu tahay 16sano jir.

Ninkii labaad way kala tageen waxayna heshay xaqa xanaanada si ay ula dagaan gurigeeda oo ku yaallay deegaanka guryaha saraakiisha.

Waxay caruurtu intaa ku dareen in hooyadoo ay xanuusaneyd oo wadnaha laga hayay, inta aaney geeriyoo 5 maalin ka hor ayaa dhakhtarku u sheegay in mudada u harsan yartahay maalmo kadibna ay god geli doonto, ilmaheeda ayay iskugu yeertay waxay u sheegtay in mid kastaaba ay hanti gaar ah u dhigtay Bankiga oo dahab ku jiro, laakiin mushkiladdu tahay in mid kastaaba aanuu qaangaar ahayn iskiina aanuu isku bixin karin.

Marka hooyadu ay geeriyootana mid kastaaba uu waalidkii uu aadayo, waa sida sharciga ah, waxaana dhici karta in hantidooda si aan wanaagsaneyn loo is ticmaalo, si markaa ay u wada joogaan in muddo ah  iskula koraan ayay firkad u keentay.

Fikaradda ayaa ahayd, waa sida ay leeyihiin wiilkan iyo gabadhu, waxay hooyadu u sheegtay in geerideeda ay qariyaan, marka ay geeriyooto saddex sanno kadib xilligaa Maryan qaangaar ayay noqoneysaa ay markaa hantidooda sida ay doonaan ugu tasarufaan iyadana ay aasaan.

Hooyadan ayaa Maryan ka codsatay inaaney walaalkeed marnaba kala tagin illaa iney guursato mooyaane.

Mushkilad kale ayay hooyadu aragtay inta aaney geeriyoon ka hor waxaanay ilmeheeda u sheegatay habkii ay ku xallin lahaayeen mushkiladaas, waana marka ay geeriyooto urta maydkeeda uu daraski dareen gelinayo, waxay u sheegtay caruurteeda in marka ay dhimato baradho farabadan lagu dado, barkimooyin farabadan lagu seexiyo, baakad lageliyo kadibna armaajada lagu xareeyo meydkeeda. Dadkii dariska ahaa waxay sheegeen in wax dareen ah aaney marnaba gelin wax ur ahna haba yaraateen aaney soo gaarin.

Hooyadana ayaa caruurteeda u sheegay in marka ay armaajada ku hubsadaan ay guriga iskaga guureen, dadkana waxay u sheegaan iney deegaan kale u guureen, gurigana iyagaa iska lahaa markoodii hore. Waana sida ay hooyadood markii hore kula dardaarantay.

Ilmihii dardaarankii hooyadood ayay sida ay ahayd u fuliyeen, waxayna dageen xaafadda la yiraahdo “Sayidii Bashar”, iyagoo gurigoodii quful kusoo dhuftay 3sano hal maalin oo ka mid ah ma aaney ag joogsan.

Ugu dambeyn, Maryan waa la xiray illaa arrinta laga xaqiijinayo, waxaa la baaray hooyada DNA,  caruurta lacagtoodii Bankiga u taallay ayaa loo fasaxay Maryan xabsigaa laga siidayay, waxayna sheekadani noqotay mid gudaha dalka Masar dadki si weyn ugu sheekaysataa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close