WararkaWaxbarashada

Falcelinta Dunida ee Go’aankii Mareykanka ee Qudus

Go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Isra’il, ayaa waxa uu kiciyey falcelinno caro leh oo ka yimid dunida Islaamka iyo Caalamka oo lagu diidan yahay go’aankaani.

Hogaamiyayaasha dunida Islaamka iyo kuwo kale oo ka mida beesha caalamka ayaa isla markiiba cambaareryay talaabada uu Trump ku dhaqaaqay waxayna ka digeen in arintaasi ay keeni karto xadgudubyo uu dhiig ku daato.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan degdeg ah oo lagu gorfeynayo go’aanka Trump oo loo arko inuu yahay mid lagu dagdagay cawaaqib aan la mahadinna ay ka dhalan karaan.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in go’aanka Trump uu cadeynayo in Mareykanka uu ka laabtay kaalintii dhex-dhexaadnimo oo in muddo ah uu ka waday Isra’il iyo Falastiin.

Mr. Cabaas ayaa intaas ku daray aqoonsiga Qudus ee caasimadda Isra’iil ay meesha ka saareyso ama ay burburineyso fursad ay xal ku gaaraan Isra’iil iyo Falastiin.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Cali Khamini ayaa waxaa uu go’aankaasi ku tilmaamay mid horseedi doona kacdoon ka dhaca caalamka halka Qaramada Midoobey ay leedahay arrinta waa in lagu xalliyo wada hadal.

Masar, Sacuudiga iyo dalalka Carabta waxaa ay si adag u cambaareeyeen go’aanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isra’il.

Dalalka Faransiiska, Shiinaha, Ruushka ayaa muujiyay in go’aanka Trump uu horseedi karo in xaaladda bariga dhexe faraha ka baxdo.

Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka Qudus u aqoonsaday caasimadda Isra’il, amrna uu ku bixiyay in la bilaabo tallaabooyinka safaaradda Mareykanka loogu rarayo halkaas, laakiin waxa uu dib dhigay guuritaanka safaaradda muddo 6-bilood ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close