UncategorizedWararkaWaxbarashada

Todobada Caado ee Muhiimka U ah Horumarinta Shaqada Maskaxda Aadanaha

Webiste-ka “Forbes” ayaa sheegay iney jiraan caadooyin caqliga ku garabsiinaya inuu wanaagsanaado shaqooyinkiisana uu sii horumariyo.

Caqligu waa xubinta ugu muhiimsan ee jirka aadanaha, marnaba shaqadeedu ma istaagto xitaa marka uu qofku hurdo, waana arrinta lagama maarmaanka ka dhigeysa inuu tamar farabadan iyo cunno fiican uu qofku qaato.

Wesite-ka Forbes ayaa xusay waxyaabaha kaalmeeya shaqada maskaxdu iney horumarto.

1 .Hurdada

Khubaradu waxay ku talinayaan inuu qofku seexdo maalintii 7saacadood ugu yaraan, maxaayeelay hurdo la’aantu waxay saameyn taban ku yeelataa caqliga hal-abuurka qofkana wey yareysaa.

2 .Waxbarashada

Waxbarashadu waxay ku jirtaa howlaha ugu muhiimsan ee caqliga kaaba inuu horumar sameeyana u horseeda, daraasadaha cilmiga ah ee lasameeyay ayaa sheegaya in “erayada kala googo’an” iyo halxiraalayaasha dhanka maskaxada ah ay caqliga si wanaagsan u ilaaliyaan horumarna u horseedaan.

3 .Fakarka

Daraasaadka cilmiga ah ee la sameeyay waxay sheegayaan in fikirka iyo u fuursashada ay nafsi ahaan u caawiso qofka maskaxduna ay ku horumarto.

4 .Sports-ka

Dadka sports-ka ciyaaraa waxay ka maskax badan yihiin kuwa kale ee aan wax jimicsi ah sameyn.

5 .Qahwada

Daraasadaha la sameeyay ayaa sheegaya in dadka da’da ah ee caqligoodu wali uu taam yahay ay yaraantoodii ku dadaali jiray cabisda Qahwaha.

6 .Raashinka

Maskaxda aadanaha waxay qabataa howlo farabadan sida; fikirka, waxbarashada, xasuusta sidaa darteed waxay u baahan tahay tamar farabadan, waxay isticmaashaa 20% tamarta jirka ee laga helo raashinka tayada wanaagsan.

7 .Faytamiinka iyo macdanta

Maskaxdeennu waxay u baahan tahay faytaamiin B12, taas oo nuqsaateedu ay xasuusta wax u dhimayso, waxaa la mid ah faytaamiin D oo caafimaadka caqliga ilaaliya, sidaas oo kale waxay u baahan tahay Oxygen iyo macdanta birta ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close