WararkaWaxbarashada

Dagaalkii Qudus oo u Wareegay Dhanka Wikipedia

Dagaalka Qudus ayaa si dhakhsiyo ah u saameeyay barta macluumaadka laga baaro ee  Wikipedia.

Website-kan caanka ah ayaa la jaanqaaday go’aantii Trump ee Qudus uu ugu aqoonsaday caasimadda Israel. Laakiin markii websiteka arrintaa lagu soo qoray waxaa isla markiiba ay buuq ka kicisay dadka adeegsada bartan ee internet-ka kala socda.

Warbixin uu diyaariyay joornaalka Haaretz ee Isra’il kasoo baxay ayaa bilowgii soo qoray in Wikipedia ay Qudus u aqoonsatay iney tahay caasimaadda Isra’il. Arrintaas ayaana dhalisay in dadku ay si aad ah u qaadaa-dhigaan maqaal cinwaankiisu yahay “Positions on Jerusalem” oo ku saabsan mowqifyada kala duwan ee laga taagan yahay Qudus.

Qof careysay oo qoraalka Wikipedia ayaa yiri; “Arrintani maha wax la aqbali karo. Ka masaxa aqoonsiga aad Qudus ku tilmaameysaan caasimadda Isra’il iney tahay. Arrintani wax xaqiiqo ah salka kuma hayso. Haddii dowlad kale oo kastaa ay go’aan ka gaarto Qudus inuu caasimad u tahay dowlad, arrintaasi ma aha arrin la aqbali karo.”

Si ka duwan safxadaha kale ee Wikipedia macluumaadka ku saabsan Falastiin iyo Isra’il si gaar ah ayaa loo faafreebaa oo cidina iskuma dayi karto iney wax ka bedesho, halka safxadaha kale ee Wikipedia ay dadku waxay doonaan macluumaadka ka bedeli karaan.

Hadaba, iyadoo ay jirto in Wikipedia qaybta ku hadashay Luqadaha English-ka iyo Hebrew-ga ay Qudus u aqoonsatay yihiin iney tahay caasimadda Isra’il, ayaa hadana qeybta luqadda Carabiga ee mowsuucadu ay sheegaysaa in Isra’il ay sheeganeyso in Qudus tahay caasimadeeda, laakiin magaaladu ay ku taallo Falastiin la haysto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close