WararkaWaxbarashada

Daily Mail: Hooyo Dhashay “Gabarey-maanyo” Noolaatay 4saacadood oo Qura

Jariidada Daily Mail ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa tooshka ku ifisay hooyo dhashay ilmo xaalad aan caadi ahayn ku dhashay, waana ilmihii ugu horreeyay ee noocan oo kale ku dhasha gudaha dalka India, laakiin waxa uu geeriyooday 4saacadood un kadib dhalashadiisa.

Carugan yar ayaan wax magac ah loo bixin maadama uu isla markiiba dhintay dhakhaatiirta ayaaa sheegay inuu canugu ku dhashay xaalad naadir ah oo loo yaqaanno “Mermaid Syndrome” oo inta badan caruurtu u dhintaan.

Mascura oo 23 jir ah ayaa si dabiici ah u dhashay subixii Arbacada Isbitaalka Chitaranjan Deva Sadan ee Calcutta Bariga India.

Dhakhtar Sodip Soha oo ah dhakhtar caafimaad ayaa yiri : “Waalidiinta ilmahan yar uma aaney suurtogalin iney daaweyn helaan xilligii uurka, lacagta oo ku yareyd, raashin xumo hayeelshay iyo habdhiska wareegga dhiigga carunuga yar oo daciif ah, arrimahaas oo is biirsaday ayaa keeni kara dhibaato noocan oo kale ah.”

Si kastaba, Waxaa la aaminsan yahay in “Mermaid Syndrome” uu ku dhaco 60 kun illaa 100 kun ee caruur ahba hal canug inuu ku dhaco.

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close