WararkaWaxbarashada

Dhalinyaro Iskood Isku Xilqaamay oo Bilaabay Ol’ole La Magac Baxay “Horseedka Horumarka Mudug”

Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa bilaabay ol’ole ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku hormarinayaan magaaladooda iyo  guud ahaan gobolka Mudug.

Dhallinyaradan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News (oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM), ayaa sheegay iney qaban doonaan shaqooyin badan  oo ku aaddan bilic soo celinta oo marka hore ay ka bilaabayaan magaalada Gaalkacyo.

Waxay dhallinyaradan ku midoobeen magaca Horseedka Horumarka Mudug, waxaana ay doonayaan in si iskaa wax u qabso ah ay kusoo celiyaan bilicda Gaalkacyo.

Dhallinyaradan ayaa isku daray kharashaad ay ku qabanayaan howlaha ay dib ugu soo celinayaan bilicda Gaalkacyo.

Duqa Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre oo ka qeybgalay furitaanka ol’olahan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhallinyaradan is xilqaamay, wuxuuna tilmaamay iney qabanayaan dhallinyaradan shaqooyin ay garan waayeen dad kale.

Ol’olahan ay dhalinyartu u istaagtay ayaan noqonaya mid ka qeybqaatay nabadda maadmaa ay is garab socdaan mar kasta nabadda iyo horumarka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close