WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Siilaanyo oo Si Rasmi ah Xarigga Uga Jaray Maktabadda Kaydka Buugaagta Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray maktabadda kaydka buugaata Qaran ee Somaliland oo laga hirgeliyay gudaha magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo’ ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray maktabadda kaydka buugaagta Somaliland oo isaga loogu magac daray.

Hadal kooban oo madaxweynuhu uu munaasabadda ka jeediyay ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah islamarkaana ay ka qeybqaadan doonto horumarinta bulshada iyo kobcinta garaadkooda:

“Maanta waxaa si rasmi ah iigu suurtogashay inaan xadhigga ka jarno xaruntii ugu horreysay ee kaydka kutubta qaranka, taas oo laga hirgeliyay caasimadda dalka ee Hargeysa, hirgelinta xarumaha aqoonta ee noocan oo kale ahi waxay kaabayaan korna u qaadayaan garaadka iyo hal-abuurinimada bulshadeenna”, ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Waxa uu u muhadceliyay cid kasta oo kasoo qeybqaadatay hirgelinta makatabaddan oo 50,000 oo buug lagu daahfuray, waxa uuna madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi kula dardaarmay inuu halkaa kasii wado horumarinta xarumaha aqoonta ee lagu kobcinayo garaadka bulshada.

Si kastaba, Waa markii ugu horreysay muddo 30 sano ku dhaw oo Somaliland laga hirgelinayo maktabadda kaydka buugaagta oo baaxadeedu aad u weyn tahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close