WararkaWaxbarashada

Si aad U Xoojiso Maqalkaaga iyo Xasuustaada Ku Tiirsanow Dhagtan!

Dadka waxaa u suurtogal ah iney xoojiyaan dareenkooda maqalka isla markaana ay xasuustaan wadasheekaysiga si wanaagsan iyagoo labada dhagood kala doorbidaya, waa sida lagu sheegay  cilmibaaris dhawaan natiijadeedu soo baxday.

Khubaro cilmibaaris sameeyay ayaa sheegaya in dhagta bidix oo laga leexiyo maqalka cododka ay qofka ka caawin karto iney wanaagsantaanto xasuustiisa wada sheekaysiyada in ka badan 40%.

Cilmibaarayaasha jaamacadda Aubun ee Alabama ayaa gaaray natiijo ah in caruurta iyo dadka qaangaar ah ay ku tiirsan yihiin dhagta midigta ah maqalka cododka si ka badan ku tiirsanaantooda dhagta bidix.

Codka gala dhagta midig waxaa la falgala qeybta bidix ee maskaxda, qeybtaas oo xakameysa hadalka iyo horumarka dhanka luqadaha, dhag kastaaba waxay maqashaa qeyb ka mid ah macluumaadka, waxaana si toos ah ula falgala qeeybaha kala duwan ee dareenka maqalka xiriirka la leh.

Cilmibaarayaashu waxay arkeen in marka la eego labada dhagood ee midig bixid aaney jirin wax ay ku kala duwan yihiin oo sidaa u buuran, laakiin marka macluumaad si wadajir ah dhagaha loogu maqlo in heerka xasuustu tahay 8%, halka markii dhagta midig oo kaliya xoogga la saaray la ogaaday in xasuusta qofka ay kobcayso 40%. Taas oo ka dhigan in cododka caadiga ah iyo sheekooyinka ay ku wanaagsan tahay dhagta midigta ah halka dhagta bidixda la sheegayo iney ku fiican tahay dhageysiga waxyaabaha music-ga la xiriira.

Cilmibaaristan ayaa laga hor akhriyay shirka jamciyadda dhagoolayaasha Mareykanka ee ka dhacay gobolka Louisiana inta u dhaxaysay 4-8 December.

Maandeeq FM

Related Articles

Close