WararkaWaxbarashada

Da’yar Suuriyaan ah oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda “KidsRights” 2017

Da’yar Suuriyaan ah oo qaxooti ku ah dalka Lubnaan ayaa ku guuleystay abaalmarin “Kids Rights” ee heerka caalami,  kadib markii uu hirgaliyay iskuul ay wax ku bartaan boqolaal caruur ah oo dagaalkii dalkiisa ka qarxay uu biday inuu Lubnaan qaxooti ku noqdo.

Maxamed al-Jundi waa 16sano jir, waxa uu hirgaliyay Iskuul xerada la yihaado “Waadi al-Buqaac“, markii ay da’diisu ahayd 12sano jir, waxa iskuulka bilowgiisa ku garab siiyay qaraabadiisa oo la dhisay teendhada uu casharada ku bilaabay. Ciyaalka yaryar waxa uu u dhigaa English-ka Xisaabta iyo photographic-ka.

Maxamed waxa uu ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee “KidsRights“sanadkii 2017, Isniintii December 4, taas oo sanad kasta la bixiyo laga soo bilaabay 2005, waxayna ku gaar tahay caruurta muujisa iney u qalamaan abaalmarinta iyagoo u ol’olaynaya xuquuqda caruurta kale.

Muddo 3sano ah ayaa Maxamed Iskuulka uu aasaasay uu ku gaaray meel wanaagsan waxaa kusoo biiray ku dhawaad 200 arday, waxaa hadda ka howlgala macallimiin xirfadlayaal ah oo ka qeybqaatay tirtiridda akhtis-qoraal lal’aanta.

Abaalmarintan waxaa dadkii horey ugu guuleystay ka mid ah gabdha xuquuqda dumarka u ol’oleysa ee reer Pakistan ee la yiraahdo ” Malala Yousafzai” oo noqotay qofkii ugu da’da yarayd ee abaalmarintan ku guuleysta sanadkii 2015.

Qiimaha abaalmarinta lagu helayo ayaa gaarsiisan illaa 100 kun oo euro.   

Maandeeq FM

Related Articles

Close