WararkaWaxbarashada

Ninka Ku Guuleystay Tartanka “Foolxumada” Zimbabwe 2017 oo Ku Faanaya Inuu Markii 4aad Hanto Koobka

Dadka dunida ku nool qof aan ceeb lahayni ma jiro, dadka qaar waxay isku dayaan iney ceebahooda dayactiraan oo ay dhakhaatiirta qalliinka iska qurxiyaan, halka kuwo kalena ay naftooda ku kalsoonaadaan kuna faanaan foolxumadooda.

William Masavinu waxaa sanadkan 2017 loo caleemo saaray qofka ugu foosha xun dalka Zimbabwe, waxa uu u galay tartan adag si uu u guuleysto, waxa uu dareemayaa farxad isagoo ku faanaya inuu markii 4aad noqday qofka ugu foosha xun dalka Zimbabwe oo aaney cidina ka doodeyn arrintaas.

“Markii ugu dambeysay is dhigasho aan sameeyay ayaa tartanka la iiga qaaday, laakiin si wanaagsan ayaan u soo diyaar garoobay, aad ayaan ugu farax sanahay maadaama aan horyaalkii dib u soo ceshaday. Qof ka murmi karaa ma jiro inaan ahayd qofka Zimbabwe ugu foosha xun. Waxaan doonayaa inaan foolxumadayda u iibgeeyo dilka dibaddiisa. Haddii uu jiro dunida dadka foosha xun. Waxaan ku kalsoonahay inaan dalkayga guusha usoo hoyn doono.”, ayuu yiri William.

Laakiin waxa guushaa uu gaaray kasoo horjeeda dadweynaha Zimbabwe oo u arka in William uu tartanka kaligii u xayiran yahay, islamarkaana ay habboon tahay in dad kale fursad la siiyo, si guuleystayaal cusub loo helo.

Abaalmarinta tartanka ayaa sanadkan qiimaheedu uu gaaray kaalinta 1aad $500 iyo neef lo’ ah, halka qofka kaalinta labaad galaa uu helayo $200, halka kaalinta 3aad lagu helay $100 oo qura.

Si kastaba, inaan foolxun tahay waa iska caadi, laakiin inaad tartan ku guuleysto waxay u baahan tahay inaad dadaal dheeri ah muujiso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close