WacyigelinWararkaWaxbarashada

6 Sababood oo Kugu Khasbaya Inaad Joojiso Cunista Hilibka!

Isbitaallada Yurub iyo Mareykanka waxaa buux dhaafiyay kumanaan qof oo doonaya iney ka go’aan balwada sigaarka oo keenta cudurro badan oo khatar ah, laakiin waxaa adag inaad qof ku qanciso inuu hilibka ka go’o, xitaa muddo ka kooban ha noqotee.

Jariidada The Independent ee kasoo baxda guda UK ayaa Jimcihii qortay daraasad cilmiyeed ka hadlaysa 6 sababood oo qofka ku khasbaya inuu hilibka cuno.

1 .Si aad isku caateyso

Qofka hilibka ka joogsada waxa uu sanadkii lumiyaa 5Kg oo culeyska jirkiisa ah, waana sida ay sheegayaan cilmibaarisyada la sameeyay iskuna raacsan yihiin.

2 .Si aanuu Sokorow kuugu dhicin

Daraasad caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka hilibka cunaa ay uga khatar badan yihiin dadka kaliya cudurka sonkorowga inuu ku dhaco.

3 .Si aad uga nabadgasho cudurrada wadnaha

Inaadan hilibka cunin waxay kaa garab siinaysaa in khatarta cudurrada wadnuhu kugu yaraadaan.

4 .Si aad kansar uga nabadgasho

Ururka caafimaadka adduunka ee WHO waxa uu aqoonsan yahay hilibka gasaacadaha ku jiraa inuu ka mid yahay waxyaabaha kansarka laga qaado.

5 .Si aad uga faa’ideysato bakteeriyada nacfiga leh

Jirkeenna waxaa ku jirta bakteeriyo nacfi leh sida tan caloosha ee dheefshiidka kaalmeysa, sidaa darteed dadka aan hilibka cunun ayaa bakteeriyadaa u hela si ka fiican tan dadka hilibka cunaa ay helaan.

6 .Si aadan daal u dareemin kadib marka aad Sports-ka sameyso

In hilibka la cunaa waxay keentaa in jirka kaydiyo uric acid iyo  melanin oo ku kaydsama muqyada jirka, taas oo keenaysa in qofku uu daal dareemo kadib marka uu jimicsi sameeyo ama uu sports ciyaaro.

Maandeeq FM

Related Articles

Close