WararkaWaxbarashada

Carugan-yar Waa Malyuner Yutube Ka Taajiray.. Sidee 6 sano Jirkan Ugu Suurtogashay Inuu Sanad Gudihii Ku Helo 11 milyan oo Dollar

Waa ilma-yar waana malyuneer, magaciisu waa Ryan waa lix sanno jir waxa uu Yutube-ka ku leeyahay Chanel la yiraahdo “Ryan Taysreview“, waana Chanel caan ka ah  Yutube, waxaana laga dheehdaa review-ga game-ka caruurta iyo cunnooyinkooda.

Sida lagu xusay liiska joornaalka Forbes ee dadka Yutube-ka ugu mushaarka sarreeya,  Chanel-ka “Rayan ToysReview” oo ay rayaan qayskiisu maamulaan uu helay ku dhawaad 11 milyan oo dollar sanadkan 2017, waa marka laga reebo cashuuraha.

Chanelka Ryan ayaa kaalinta 8aad ay wada galeen Chanelka comedy-ga ah ee Smosh, sida lagu xusay warbixin ay daabacday jariidada Independent ee kasoo baxda dalka Ingiriiska.

Chanelka Ryan ayaa la aasaasay sanadkii 2015, waxaana lagu aasaasay fikrad carugan yar ka timid oo waalidkii uu waydiistay inuu dib u eegis ku sameyo Games-ka ku cusub suuqa caruurta iyo raashinka caruurta ugu fiican ee suuqa kusoo kordha. Labadiisa waalid ayaa ku garab siiya inuu soo saaro muuqaallo aad u qurux badan oo caruurta dunidu si aad ah uga heleen.

Sida uu qoray Website-ka “The Verge“, dadka ku xiran  Ryan Chanel ee la socdaa waxay gaarayaan 10 milayn oo qof, waxaana bishii oo kaliya dakhliga soo galaa uu gaarayaa 1 milyan oo dollar oo dhanka xayaysiimaha Yutube kaga soo xaroota.

Maandeeq FM

Related Articles

Close