WararkaWaxbarashada

Daraasad soo Bandhigtay Saameynta Sports-ku Ku Yeesho Waxbarashada

Cilmibaaris cusub oo soo baxday ayaa sheegaysa in ardayda Sports-ka ciyaartaa ay kaga fiican yihiin waxbarashada ardaday kale ee asaagooda ah ee aan jimicsiga sameyn, gaar ahaan maadama xisaabta.

Kooxda khubarada ah ee cilmibaarista sameysay ayaa baaray datada 26 cilmibaaris oo horey loo sameeyay ayna ka qeybgaleen in ka badan 10 kun oo caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 4 illaa 13sano jir. daraasaadkaa hore oo dhan waxay qiyaasayeen saameynta jimicsigu ku yeesho fahamka maaddooyinka kala duwan ee waxbarasho.

Iyadoo ay jirto in shaqada jirka laga qabto ay kordhiso fahamka maadada xisaabta ayaa hadana si guud waxay uga qeybqaadataa fahamka maadooyinka kala duwan ee waxbarasho.

Ivan Caffero Redondo oo ka tirsan jaamacadda Castile-La Mancha ee gudah Quanca ee dalka Spain oo ka qeybgalay diyaarinta daraasaddan ayaa yiri: “Tababarku wax uu saameyn togan ku yeeshaa maskaxda waa marka dhiigi uu si fiican ugu burqado, waana arrinta xoojineysa in Oxygen ku uu si wanaagsan u gaaro maskaxda, waxa uuna ku garabsiinayaa sameysanka xidada yaryar waxaanuu si wanaagsan u xoojinayay xiriirka dareenka ee xiriiriyaasha iyo dareen sidayaashan. Waxaa intaa raacsan in tababarku uu yahay arrinka ugu muhiimsan ee xoojiyay xiriirka bulashada caafimaadka naftana u wanaagsan.”

Xilli ay jirto in iskuulaadu ay dhibaato kala kulmaan iney ardaydu jimicsiga ogolaadaan ama ku dadaala in wakhtiga xiisadaha la badiyo si ay ardaydu natiijooyin wanaagsan imtixaanka uga gaaraan, ayaa hadana natiijada daraasadani ay hoosta ka xariiqaysaa  in shaqada jirka iyo tababarrada sports ee ardayda loo sameeyaa ay kaalin wanaagsan ka qaataan kobca waxbarasho iyo aqoonta arday ee fahamka maadooyinka kala duwan.

Redondo waxa uu sheegay, haddii ay caruurtu helaan wakhti ay ku ciyaaraan xilliga waxbarashada oo xiisado gaar ah loo sameeyo, ay taasi ka garab siisaa iney casharrada fahmaan si wanaagsanna ula jaanqaadaan macallinka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close