WararkaWaxbarashada

WhatsApp oo Aan Ku Shaqeyn Doonin Tiro Mobile-llo ah Dhammaadka Sanadkan

Adeegga WhatsApp ayaa digniin u diray dhammaan dadka adeegsada qalabyadii hore ee qadiimiga ah, sheegayna inuu ku shaqeyn doonin mobillo iyo qalb kale marka la gaaro dhammaadka December 2017.

Jariidada “Daily Express” ayaa Axaddii sheegtay in WhatsApp aanuu ku shaqeyn doonin qalabka qaar oo hadda si fudud loogu adeegsado, isla markaana sheegay iney shaqada adeegga ka joogsan doonto qalabyo kala duwan oo uu si gaar ah farta ugu fiiqeen marka la gaaro December 31, 2017.

Liiska qalabka WhatsApp uu shaqdiisa ka joojinayo waxaa ka mid ah BlacBerry OS. Waxaa kale oo raacsan qalab kale oo ku shaqeeya Windows 8, ama nidaamyadii ka horreeyay ee uu ka mid yahay Windows 7  oo si weyn illaa iyo hadda loo is ticmaalo. Waxaa liiska kasoo dhex muuqaday Nokia S60, Nokia S40.

Malaayiin qof oo ku xiran barta WhatsApp ayaa shaqadiisa ka is taagatay kadib markii horumarin lagu sameeyay qalabyadiisa kala duwan.

February 19, 2014 ayaa shirkadda Facebook ay iibsatay WhatsApp oo 19 billan oo dollar ay ka bixisay. Waxaana adeegsaday si maalinle ah 1 bilyan oo qof oo ku kala dhaqan dunida daafaheeda kala duwan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close