WararkaWaxbarashada

Ciqaabta Jireed oo Caruurta U Keenta Cudurro Halis ah (Daraasad Cusub)

Cilmibaarayaal Ingiriiska ah ayaa sheegay in ciqaabta caruurta ee xilliga hore, ay keento cadaadis nafsi ah oo isaguna sababa cudurrada khatar ah oo saameyn ku yeesha mustaqbalkooda dambe.

Khubaro ka tirsan Jaamacadda London ayaa hoosta ka xarriiqay in ciqaabta soo noqnoqta ee caruurta ay u keento cudurrada wadnaha iyo xidida dhiigga la xiriira ee khatarta badan.

Waxaana taa uga sii khatar badan ayay yiraahdeen, saameynta taban ee ciqaabtu ku yeelanayso neerfaha jirkooda oo saameyntoodu xilliga ay weynaadaan ku soo baxayso. Arrinta waxay u kala daran tahay kolba sida ay ciqaabtu u kala xooggan tahay.

Wali horey looma sameyn daraasad lagaga hadlayo  mudada dheer ee ciqaabta jireed ay caruurtu ku yeelanayso noloshooda. Daraasaddan cusub ayaase sheegaysa in ciqaabta xooggan ee yaraanta caruurtu ay la kulmaan iney u keenayso dhibaato caafimaad oo khatar ah oo ay dhici karto in maskaxda uu dhiig kaga furmo ama in wadnuhuba uu howlgab noqdo.

Waxaa xusid mudan, in daraasaad hore loo sameeyay ay tilmaameen in ciqaabta jireed ee caruurta ay dhaxalsiiso cudurrada maskaxda ku dhaca.

Maandeeq FM

Related Articles

Close