WararkaWaxbarashada

Faransiiska oo Iskuulaadka Laga Mamnuucay Mobillada Smarts-ka ah

Wasaaradda waxbarashada Faransiiska ayaa gabi ahaanba iskuulaadka dalkaasi ka mamnuucday mobillada Smarts phone-ka ah laga bilaabo September-ta sanadka soo aaddan, waana tallaabo qeyb ka ah ballamadii madaxweyne Emmanuel Macron uu doorashada ku galay.

Wasariirka waxbarashada Fanasiiska Jen-Michel ayaa yiri mamnuucidda mobillada Smarts-ka ah waxa uu caruurta ku dhiirigelinaysaa iney ciyaaraan xilliyada fasaxa, bareegga iyo  cuntada, halka moblillada oo la xiyaaraa ay yareynayso cagajuglaynta dhanka electaroonigga ah ee ay caruurtu la kulmaan.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Xilligan aan joogno caruurtu ma ciyaaraan xilliyada nususasaacaha ah, kulligood waxay ku mashquulsan yihiin mobile, dhanka aqoontana waa arrin aan ku wanaagsaneyn. Mobilka lagama maarmayo xilliyada degdegga ah laakiin waxay noqonayaan kuwo xayiran.”

Hadda, iskuulaadka Fanasiiska caruurta looma ogola iney mobilka adeegsadaan xilliyada xiisadaha ee gudaha fasalka, laakiin cidina uma diiddo xilliga kala wareegga xiisadaha iyo wakhtiga nususaacaha ee bareegga ay qaadanayaan.

Xayiraaddan ayaa waxaa saameynaysaa iskuulaadka hoose dhexe, halka dugsiga sare aanuu go’aankan wax saameyn ah ku yeelanayn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close