WararkaWaxbarashada

Magaalo Australia Ku Taalla oo u Afduuban 200 kun oo Daawacooyinka Duula ah

Dadka ku nool magaalo yar oo ku taalla gobolka Quneensland ee waqooyi-galbeed Australia ayaa sheegay iney u afduuban yihiin Fiidmeer(kibilli) dagaal ballaaran kusoo qaaday oo u duuleysa hab koronkora ah oo tirada dadka deegaanka ku labaatan jibaarmaysa isla markaana gaaray illaa 200 kun oo feedmeer ah.

Haweenayda guddoomiyaha ka ah magaaladan yar ayaa sheegtay Isniintii in dawacooyinka duula oo ah fiidmeerta dunida ugu weyn ay dadkii magaalada “Charters Towers” u afduuban yihiin laga soo bilaabo Isbuucii hore. Waxay hadalkeeda sii raacisay: “Waa dhibaato dhameystiran-cabsi ayaan ku noolnahay.”

Dadka deegaanka ayaa mudaharaad ballaaran iskugu soo baxay bilowgii Isbuucan iyagoo ka cabanaya dhibaatooyinka ay fiidmeertu ku hayso oo aan xilliyada habeenkii guriga daaraddiisa laga soo is taagi karin.

Magaaladan yar oo xilliyadii hore dahabka laga qodan jiray, ayaa waxaa si xoog ah u dagan dawacooyinka duula, xilligan oo kale sanadka ayaa ah wakhtiga ay tarmaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close