WararkaWaxbarashada

Qalab Cusub oo Lagu Ogaanayo Nooca Ilmaha Hooyadu Uurka Ku Siddo Marka Uu Labo Bilood Yahay

Dhakhaatiir Spanish ah ayaa sheegay iney horumariyeen qalab cusub oo waalidka u suurtogalinaya iney ilmaha uurka ku jira noociisa ogaadaan marka uurku hooyadu yahay labo bilood oo qura.

Suurtogal ma ahayn illaa xilli dhaw in la garto nooca ilmaha uurka ku jira illaa inta uu gaarayo isbuuca labaatanaad.

Shaybaarka Lorraine ee magaalada Granada ee dalka Spain ayaa tijaabiyay qalab cusub oo lagu ogaan karo nooca ilmaha yar ee uurka ku jira marka uu gaaro laba bilood oo qura iyadoo heerka saadaalintiisu gaarsiisan tahay 89%, waana mid ka tayo sarreeyay qalabyada kale ee ilmaha uurka ku jira lagu noociisa lagu baaro.

Maamulaha guud ee shaybaaradda Lorraine laboratory Javier Balverde ayaa yiri qalabkan cusubi waxa uu ku tiirsan yahay baaritaanka dhiigga hooyada oo laga ogaanayo nooca ilmaha uurka ku jira.

Si kastaba, Hooyooyinka qaar ayaa jecel iney wakhti hore sii ogaadaan nooca ilmaha ay uurka ku sidaan, halka kuwa kalena aaney wax dan iyo heellaba ka gelin oo ilma kasta oo ay dhalaan nooca uu doonaba ha noqdee ku qanacsan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close