WararkaWaxbarashada

Isbitaal Takhsusi ah oo Ugaar ah “Geela” oo Laga Hirgeliyay Khaliijka

Isbitaal takhsusi ah oo  loogu talogalay daweynta “Geela” ayaa bilaabay inuu qabto adeegyadii caafimaad ee loogu talogalay. waxa uu leeyahay qeyb loogu talogalay qalliinka iyo  raajo ah noocii ugu dambeeyay ee dunida laga adeegsado.

Isbitaalkan ayaa waxaa ku baxay hirgalintiisa 10.9 milayn oo dollar,  waxaa la dhameystiray gabagabadii sanadkii hore, laakiin waxaa albaabada loo furay isbuucii lasoo dhaafay.

Maxamed Al-Baluushi oo ah maamulaha isbitaalkan ayaa yiri; “Danta isbitaalkan laga leeyahay waa in lagu ilaaliyo dhaqanka caanka ah ee tartanka Geela”, waxaanuu sheegay inuu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah. Waxa uu tilmaamay iney adeegsanayaa qalabkii ugu casrisanaa dunida ee xoolaha lagu daweeyo.

Halkii mar waxaa isbitaalka loogu adeegi karaa 20 neef, waxaana ka howlgalaya dhakhaatiir xoolo oo u kala dhaltay India, UK, Spain iyo Maxico.

Waxaa isbitaalku uu leeyahay xarun cilmibaaris oo loogu talagalay in wax badan looga ogaado sirta geele. Iyadoo ay jirto in hadda dunidu ay ku baraarugtay waxtarka caanaha geela oo ka tayo wanaagsan caanaha lo’da oo dunida si xoog ah looga isticmaalo.

Ugu dambeyn, Isbitaalkan ayaa sida la filayo sanadka dambe soo kordhin doona labab cusub, iyadoo hadda geela lagu daweynayaa uu yahay kan ka qeybgala tartanka oradada ee dunida carabta aadka looga xiiseeyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close