WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Mareykanka ee Gudaha Masar oo Mamnuucday “Niqaabka”

Jaamacadda Mareykanka ee gudaha dalka Masar ayaa go’aan ay soo saartay ku mamnuucday niqaabka gudaha jaamacadda Talaadadii December 12, 2017.

Sida ay qortay jariidada Al-Watan, jaamacadda ayaa e-mail u dirtay macallimiinta iyo ardayda si ay u hirgeliyaan go’aankan oo lagu sheegay in dumarka aan loo ogoleyn iney gudaha jaamacadda ku xirtaan Niqaab.

Si kastaba, go’aankan ayaan la ogeyn sida ay uga jawaabcelin doonaan arday iyo macallimiinta uu saameeyay, iyadoo aan sidoo kale la ogeyn ulajeedada go’aanka iyo sababta xilligan loogu soo beegay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close