WararkaWaxbarashada

“Shirka Qudus” oo Kulmiyay 16 Hogaamiye & 48 Dowladood oo Ku Shirsan Dalka Turkiga

Dalka Turkiga maanta waxaa ka bilaabanaya “Shirka Qudus” kaas oo ay ka qeybgalayaan 48 dowladood oo ay ku jiraan 16 hogaamiye oo uga qeybgalaya heer Madaxweyne, Boqor iyo Amiir.

Talaadadii shalay ay hoggaamiye-yaashaasi bilaabeen iney kusoo qulqulaan Istanbul si ay uga qeybgalaan shirkan degdegga ah ee ururka iskaashiga Islaamka ee lagaga hadlayo qadiyadda Qudus.

Waxaa xarunta shirka gaaray Amiirka Qatar Sh. Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmed Al-Jaber Al-Sabah, Madaxweynaha Falastiin Mahamoud Abbas, madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, Madaxweynaha Ilham Aliyev, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansur Hadi, ra’isul wasaaraha Tajikistan Qahir Rasoulzadeh.

Waxaa la sugayaa iney ku biiraan boqorka Jordan Abudullah ll, wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Saamix Shukri. Waxaa kale oo shirka jooga madax ka socota dalalka Afghanistan, Bangladesh, Indonesia, Guinea, Libya, Lebanon, Sudan, Togo.

Waxaa shirka heer ra’isul wasaare uga qeybgalaya dalalka Djibout, Malaysia, Pakistan. Waxaana shirka marti shareef ka ah oo lagu casuumay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro.

Si kastaba, Shirkana ayaa ulajeedadiisu tahay in falcelin laga sameeyo hadalkii dhawaan madaxweynaha Mareykanka ee Trump uu Qudus ugu aqoonsaday iney tahay caasimadda Israel uuna doonayay inuu meel mariyo wax ay ku fashilmeen 70kii sano ee lasoo dhaafay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close