arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Xaliimo”.. Gabar Soomaaliyeed oo Xidig Ka Noqtay Caasimadaha Fashion-ka Adduunka

Xaliimo Cadan ah gabar Soomaaliyeed oo 20 jir ah ayaa baryihii dambey waxay noqotay xidig si weyn uga dhex muuqda dunida model-ka iyadoo ku caan baxday xijaabkeeda oo aaney marnaba iska dhigin.

Xaliima oo wareysi gaar ah siisay wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anatolia ayaa tilmaantay dareenkeeda sida ay ugu faraxsan tahay ka qeybgalkeda isbuuca modalka xishmadda leh oo lagu qabtay magaalada Dubai ee Isku tagga dalka Emaratka Carabta 8, 9 December, kaas oo ay kasoo qeybgaleen dadbadan oo caan ah iyo xidigaha fanka adduunka qaarkood.

Xaliimo ayaa wakaaladda u sheegtay “Anigu waxaan ahay qof muhaajirad ah, dalkasba aan hadda ku noolaado, laakiin waxaanan jeclahay inaan dadka muhaajiriinta ah garab siiyo, hadda waxaa la shaqeeyaa Unicef.

Xaliimo waxay ammaan u soo jeedisay kaalinta Turkiga ee u gurmashada Soomaaliya, waxayna tilmaantay iney jiraan wadamo kale oo iyaguna Soomaaliya garab istaagay.

Si kastaba, Isbuuca modalka New York oo loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay goobaha ugu muhiimsan ee labiska dunida lagu soo bandhigo oo ay kasoo qeybgalaan dumarka ugu quruxda badan adduunka uguna caansan, ayaa waxaa sanadkan kasoo dhex muuqatay gabadhan Soomaaliyeed ee la yiraahdo Xaliimo Cadan waana markii ay xidignimadeedu soo if baxday oo marqura indhaha saxaafadda ay soo jiidatay.

Ugu dambeyn, Xaliimo waxay taariikhda ku gashay iney noqotay gabadhii ugu horreysay ee xijaab uga qeybgasha tartan Quruxda oo bishii September-tii lasoo dhaafay lagu qabtay magaalada New York ee gudaha dalka Mareykanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close