WararkaWaxbarashada

Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Jeddah oo Ay Sanadkan Ka Qeybgalayaan 500 oo Xarumo Buugaagta faafiya Ah

Magaaladda Jeddah ee dalka Sucuudiga ayaa waxaa ka furmay maalinimadii shalay Bandhigga buugaagta caalamiga ah oo ay u tahay sanadkiisii saddexaad, sanadkan waxaa hal ku dhag u ah “Buugu Waa Ilbaxnimo”.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Sucuudiga ee “Spa” bandhiggan ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 500 oo xarun faafineed ah oo isku jira kuwo maxalli ah iyo kuwo kale oo heer caalami ah, waxaa kasoo qeybgalay 42 dowladood oo Carab iyo Islaamba leh iyadoo lagu soo bandhigi doono dhaqamo kala duwan.

Bandhiggan ayaa la filayaa inuu si maalinle ah u qaabilo in ka badan 50,000 oo qof, waxaanuu furan yahay laga bilaabo 10 subaxnimo illaa 10 habeennimo.

Si kastaba, bandhigga buugaagta ee Jeddah ayaa sanadkan la kordhiyay 30% dhulka uu ku fadhiyo, iyadoo Dowladda Sucuudigu ay dooneyso iney soo jiidato indhaha adduunka gaar ahaan hay’adaha daaca buugaagta oo suuq wanaagsan ay u noqon karto, halka dadka Sucuudiguna ay helayaan buugaag ay safarro dhaadheer u geli jireen.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close