WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Ka Hadashay Furaha Cimridhararka ee Lagu Gaaro 100sano Jir

Daraasad cusub oo daaha ka rogtay furaha cimridherarka lagu gaari karo 100 sano,  waa inuu qofku ku taagnaado akhlaaqda shaqada uu yahay qof adag, dhibaatooyinka iyo mixnadahana si wanaagsan u waajaha.

Cilmibaarayaasha ayaa baaritaanno ku sameeyay caafimaadka nafsiyan iyo jir ahaan tiro dadka ah oo Taliyaani ah oo da’doodu u dhaxayso 90-101 sano, waxayna arkeen iney jiraan sifooyin iyo astaamo ay dadkaasi wadaagaan.

Daraasadan oo lagu faafiyay joornaalka “International Psychogeriatricsconcluded”, ayaa lagu ogaaday in dadkaa da’da ah ay ka midaysnaayeen iney yihiin dad niyad fiican u haya nolosha marka loo eego dadkii ka da’da yaraa ee daaraasadda ka qeybgalay, waana arrinta sirta ah ee cimridherarka lagu gaaro.

Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda California ee San Diego iyo jaamacadda Roma La Sapiens ayaa baaritaanno kala duwan ku sameeyay 29 ka qeybgle oo ku noolaa deegaannada miyiga ah ee koonfurta Taliyaaniga, waxayna qiimeyn ku sameeyeen caafimaadka caqligooda iyo midka jir ahaaneed, iyagoo ka qaaday tijaabooyin taxane ah oo wareysi kala duwan lagula yeeshay.

Waxaa kale oo daraasadda ka qeybgalay dadka waayeelka ah qaraabadooda ah ee da’dayar oo iyagana tijaabooyin kala duwan laga qaaday.

Inta badan waayeelkii daraasaddan ka qeybgalay ayaa ka mideysnaa iney ahaayeen dad adadag, arrintaas oo faa’idada ay naftsiyan u leedahay ay tahay in aaney ka walwalsanayn waxa dadka kale ka aaminsan yihiin.

Sifada kale ee ay ka mideysanaayeen ayaa ah iney niyad wanaagsan u hayaan nolosha miyiga, Dilip Geist oo hoggaaminayay daraasaddan ayaa yiri : “Waxaa jiray daraasaad farabadan oo ka hadlaya tirada dadka waayeelka ah, laakiin xoogga saaray xagga hidde sidaha si ka badan caafimaadka nafsi ahaaneed iyo shakhsiyadooda.”

Waxa uu intaa sii raaciyay: ” Astaamaha aasaasiga ah ee daraasaddan inooga soo baxay oo noogu muuqday iney yihiin kuwo muhiim ah, ayaa ah iney ahaayeen dad nolosha si wanaagsan u arka akhlaaqda shaqada ku taagan, adadag, ilaaliya xiriirka qoyska iyo diintooda.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close