WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno Ay Usuurtogashay Iney Fahmaan Luqadda Doorooyinka!

Saynisyahanno Mareykan ah oo ka tirsan mac’hadka Georgia ee Tiknoolajiyadda ayaa horumarin ku sameeyay qalab tarjumaya luqadda doorooyinka (digaagadaha).

Joornaalka “Scientific American” ayaa sheegay in khubaro saynisyahanno aha ay horumarin ku sameeyeen Algorithm suurtogal ka dhigtay in codka doorooyinka loo bedelo tilmaamo ay aadanuhu fahmi karaan.

Khubarada ayaa sameeyay data xogo lagu aruuriyay oo lagu qoray erayada codka digaagadaha, iyagoo cilmibaarista u adeegsaday garaad Smarts ah si ay u fahmaan luqadda digaagadaha.

Culumada ayaa ogaaday in doorooyinku u sheekaystaan sida aadanaha oo kale, codka kasoo baxyaana uu kolba ku xiran yahay jawiga ku hareeraysan sida uu yahay, halka ay qayliyaan marka jawiga ku xeeran uu qasan yahay.

Daraasaddan ayaa culumadu uga golleeyihiin in lagu hagaajiyo fursadaha nolosha iyo xanaaneyn wanaagsan iyadoo aan kharash farabadan la gelin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close